Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi ku saabsan sadaqada xeryaha Dhadhaab

Maanta waa maalinta caalamiga ah ee sadaqada, waxaana daafaha caalamka ku nool dad gaajeysan oo dhibaatooyin kale ay haystaan oo u baahan in loo kaalmeeyo.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku jira kumannaan qof oo masaakiin ah, aadna ugu baahan kaalmo, laakiin mararka qaar waxyaabaha yare e la sadaqeysto kuma filno dadkasi amaba dhammaantood lama wada gaarsiin karo.

Waxaa jira culimo masaajidda iyo suuqyada Dhadhaab mararka qaar dadka dhibaateysan wax uga aruuriya, waxaana ka mid ah Sheekh Muxumed Cabdullahi, oo u warramay Axmed Xaji Xasan.