Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Roobaba xoog leh oo looga digay Shacabka Kenya

Hay'adda saadaasha hawada ee Kenya ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay saadaalisay in roobab lixaad leh ay ka di'I doonaan waddankan Kenya.

Hay'adda ayaa waxa ay uga digtay dadka Kenya in ay isu diyaariyaan roobabkaasi iyagoo kula taliyay in ay ka fogaadaan goobaha biya mareenka ah.

Sanadihii 1997/1998-dii ayaa roobabka El Nino oo ka da'ay qeyba badan oo ka mid ah Kenya waxa sababeen daadad iyo dhul go ka dhacay Kenya, iyadoo gobolka waqooyi barina uu ka mid ahaa meelaha ay roobabkaasi aadka u saameeyeen.

Dubad Cali Camey oo u soo joogay dhibaatadii ay roobabkaasi gaysteen xilligaasi Ayaa waxa uu u warramaya Bashkas JugSoodhacay.