Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Itoobiya oo soo dhaweysay sanadkeeda 2008

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa xalay lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayo sanadka cusub ee 2008-da ee dalkaasi.

Itoobiya ayaa waxa ay todobo sano ka dambeysaa tirsiga sanadaha milaadiga ee dunida inteeda badan ay isticmaasho.

Haddaba mar ay socotay xaflada soo dhaweynta sanadka cusub ayaa waxaan la xiriirnay Mustafa Cabdullahi Xasan (Mustafa Rayaale) oo ah ardey wax ka barta jaamacadda Addis Ababa. Waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (Cagayare).