Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi fannaanadda Maryan Sh. Nuur (Maryan Ruun)

Maryan Shiikh Nuur (Maryan Ruun) waxay ka mid tahay fannaaniinta Soomaaliyeed ee iyaga oo yar fanka ku soo biiray - laakiin uu hakad ka galay fankoodii burburkii ka dhacay dalka Soomaaliya awgeed.

Maryan waxay hadda ku nooshahay waddanka Switzerland oo ay ka bilowday in mar kale ay dib boorka uga jafto fankeedii.

Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa haddaba kala sheekeystay Maryan Ruun taariikhda fankeeda iyo weliba heesaha cusub ee dhowaan ay soo saartay.