Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa ka soo bixi kara shirweynaha dhaqaalaha adduunka ee Shiinaha?

Dalka Shiinaha waxaa ka socda shirka dhaqaalaha adduunka oo ay ka qeyb galayaan madax badan.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli suuqyada saamiyada caalamka ay ka jirto xasilooni darro ka dhalatay Shiinaha oo qiimo ridis ku sameeyay lacagtiisa.

Ra'iisul Wasaaraha Shiinaha oo shalay hadlay ayaa waxa uu sheegay in dalkiisu uu ku socdo waddada saxda ah ee uu ku gaarayo hiigsigiisa dhaqaale ee sandkan, inkastoo ay jirto cabsi laga qabo gaabis ku yimaadda kobaca dhaqaale ee dalkaasi oo ah kan labaad ee ugu weyn caalamka.

Prof Xuseen Axmed Warsame waxa uu bare ka yahay Jaamacadda Calgary ee dalka Canada, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.