Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Yurub oo ka shiraysa dhibaatada muhaajiriinta

Guddiga caddaaladda iyo arrimaha gudaha ee dalalka reer Yurub ayaa maanta ka wada xaajoon doona tallaabooyin dheeraad ah oo lagula tacaalayo mashaakilka muhaajiriinta ku sii qulqulaya Yurub.

Iyadoo waddamada Jarmalka, Austria iyo Jamhuuriyadda Czech-ga ay adkeeyeen xudduudahooda kaddib markii tiradii ugu badnayd oo qaxooti ah ay gaareen magaalada Munich iyo degaano kale.

Haddaba shirka maanta maxay u badan tahay in looga hadlo? Su'aashaas iyo kuwa kalaba waxaan hor dhignay, Cabdulqaadir Maxamed Axmed, oo deggan magaalada Berlin kana faallooda arrimaha siyaasadda, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.