Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho oo ay badatay tirada Jaamacadaha

Waxa sii kordhaya tirada jaamacadaha laga furayo magaalada Muqdisho ayadoo tirada hadda furan lagu qiyaasay ilaa lixdan Jaamacadood.

Waa lagu kala aragti duwan yahay jaamacadaha soo badanaya, dadka qaarna waxay u arkaan fursad muhiim u ah ardayda, halka kuwo kalana ay su'aal gelinayaan tayadooda.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa dood arintaasi ku saabsan u qabtay Prof Maxamad Axmed Kulane iyo Ustaad Cabdicasiis Axmed Ibraahim oo labaduba wax ka dhiga jaamacadaha magaalada Muqdisho, wuxuna marka hore Prof Kulane uu weydiiyay bal aragtidiisa ku aadan waxa keenay jaamacadaha sii kordhaya ee Muqdisho.