Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Duurjoog ka qaxday Kenya oo Soomaaliya gashay

Dhagayste hadaad maqashay dad qaxooti ah oo dhibaato ka qaxaya, ama duruufo aad u qallafsan, maanta waxaan idiin haynaa arrin taa ka duwan. Xoolo qaxaya waligiin ma maqasheen.

Arrintani waxa ay dhacday kaddib markii ay Dawladda Kenya ay billawday hawlgal ay Al-Shabaab kaga sifaynayso kaymaha Boni ee dalkooda arrintaas oo sababtay in ay halkaasi isaga cararaan ugaarta. Meelaha ay u yaaceen waxaa ka mid ah egmada Badhaadhe ee u dhow xudduudda Somalia ay la leedahay Kenya, halkaasoo laga soo sheegay in lagu arkay ugaar ka soo galaysa dhinaca Kenya.

Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe ayaa arrintan ka waraystay gudoomiyihii hore ee Badhaadhe Faarax Haybe Xaaji.