Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhimashada ka dhalata malaariayda oo hoos u dhacday

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2000, ay 60% hoos u dhacday dhimashada ka dhalata cudurka malaariyada.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in guushaasi laga gaaray cudurka malaariyada ayay sabab u tahay iyadoo hormar laga sameeyay qaabka loo baaro cudurkaasi, iyo mara kaneecadda oo meelo badan laga qeybiyay.

Haddaba si aan waxbadan uga ogaano heerka cudurka malaariyada ee Soomaaliya ayaa weriyaha BBC-da Maxamuud Cali waxa uu ka wareystay Dr Cabdiqani Sheekh Cumar oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.