Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ku saabsan soo saarka caanaha lo'da

Magalaada Nairobi waxaa maanta lagu soo gabagabaynayaa shir laba maalmood socday oo looga hadlayay wax soo saarka xoolaha gaar ahaan caanaha.

Shirka waxaa ka qayb qaadanayay in kabadan 700 oo wafudu ah oo ka kala socota ilaa iyo 50 waddan.

Waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlayay ayaa ah mustaqbalka soosaarida caanaha caalamka, siyaasadaha dowladaha caalamka ee ku aadan horumarinta warshadaha caanaha iyo tartanka ay wajahayaan warshadaha caanaha ee Afrika.

Xasan Jeele Nuunow oo aqoon u leh wax soo saarka xoolaha, isla markaana xubin ka ah shirkada hilibka Kenya, ayaa dhibaatooyinka Soomaalida ka haysata arrinkaasi uga warramay Xasan Cali Geelle.