Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo codsatay in loo soo wareejiyo maxaabiis Kenya ku xiran

Saraakiil ka socota dawladda Soomaaliya ayaa booqatay xabsiga Shimo La Tewa ee ku yaalla magaalada Mombasa, halkaasi oo ay ku xiran yihiin ku dhawaad 100 maxaabiis Soomaali ah oo loo haysto dembiyo burcad badeednimo ah.

Ujeedada socdaalka saraakiishaasi ayaa waxaa lagu sheegay sidii maxaabiistaasi loogu wareejin lahaa Soomaaliya, si ay halkaasi ugu dhameystaan xilliga uga harsan xukunnada lagu kala riday.

Madaxdaasi waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo taliyaha ciidammada asluubta ee Soomaaliya.

Haddaba Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa waxa uu khadka taleefanka ee Mombasa uu kula xiriiray danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jamaal Maxamad Xasan, oo uu waydiiyay ujeedka booqashadooda?