Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maydka wiil Soomaaliyeed oo muddo bil ka badan ku xayiran dalka Sweden

Weli qaaradda Yurub waxaa ku sii qulqulaya kumannaan qaxooti ah oo nolol iyo ammaanba halkaa u doontay.

Qaxootigaasi intooda badan waxa ay ka tageen wadammada Bariga Dhexe, hasayeeshee waxaa jira Soomaali umaara wayday colaadda dhowr iyo labaatanka sano ka aloosan dalkooda.

Dadka tahriibka ah ayaa mararka qaar waxa ay noloshooda galiyaan halis si ay u gaaraan halka ay hiigsanayaan, dhibka iyaga soo gaarayana waxaa ka sii daran midka gaaraya qoysaska iyo waalidiinta ay ka tageen.

Siraad Caanood Shire, waa hooyo Soomaaliyeed oo ka walwalsan in maydka wiilkeeda uu muddo bil ka badan ku xayiran yahay dalka Sweden halkaasi oo uu ku geeriyooday maalin un kaddib markii uu gaaray isagoo magangalya doon ah, khadka taleefanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay ugu warrantay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.