Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muslimiinta Kenya oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo shilkii Xajka

Golaha sare ee muslimiinta dalka Kenya (SUPKEM) ayaa ka dalbaday dowladda Sucuudiga in ay dadajiso baaritaanka ay ku waddo shilkii ka dhacay Xajka ee ay ku dhinteen in kabdan 7-da boqol ee qof.

Golahu waxa uu doodayaa in haddii uu shilka ku yimid dayac dowladeed ay tahay in si dhaqsa leh ay dawaldu u bixiso magdhawga dadkii ku dhintay halkaasi.

Illaa iyo shan xujay ah oo ka tagtay dalka Kenya ayaa ka mid ah dadkii Mina ku dhintay.

Sheekh Cabdullaahi Siraad oo ka tirsan SUPKEM ayaa arrimhaasi uga warramay weriyahaga Bashkas Jugsoodhacay.