Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhacdadii xajka miyaa la siyaasadaynayaa

In kabadan 100 mayd oo ka mid ah dadkii ku dhintay is buurashadii Xajka ayaa la gaarsiiyay Iiraan.

Waxaana xus loo qabtay in ka badan 400 oo qof oo Iraan u dhashay oo ku dhintay Jamaraadka.

Iiraan weli waxay ku celcelineysaa eedda ay u jeedineyso dowladda Sacuudiga oo ay ku dhalleeceysay in ay si xun u maamushay Xajka sanadka.

Laakiin Sacuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyay in dhibaatadii ka dhacday Makkah ay siyaasad u badashay.

Hadaba maxay tahay waxa dhabta ah ee ay labadan dal isku hayaan.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdi Samad ayaa arrintaasi uga warramay Axmed Xaji Xasan