Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo aan lahayn meel lagula socdo cudurka Kansarka

Cudurka Kansarka oo leh noocya badan ayaa waxa uu dunidan saameeyay dad badan.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadammada uu sida weyn cudurkani u saameyay, mana lahan qalab casri ah oo cudurka lagula tacaali karo, waxaa kaaga sii daran malahan xarun lagu aruuriyo xogta dadka qaba noocyada Kansar ee ka jira dalka.

Xog aruurintii ugu dambeysayna waxaa sanadkii 2013-kii sameeyay isbitaalka Banaadir markaa oo dhallaan ay u badnaayeen dadka uu cudurka soo ritay.

Dr Yaxye Cabdiqaadir Soole, waxa uu ku takhasusay cudurada ku dhaca carruuurta, waxa uuna ka howlgalaa isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay, Ciise Xaaji Cabdulle.