Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka dhalinyarada Afrik ee Addis Ababa

Shirka dhalinyarada Afrika ee hiigsiga 2063-da ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabaynayaa caasimada dalka Itoobiya ee Addis abba.

Shirkaan oo soconayay sadex maalmood ayaa waxaa looga hadlayay fursadaha dhalinyarada Africa ee Hogaan wanaaga, awoodsiinta dumarka, ganacsiga, waxaana ka qeybgala sanad walba in ka badan 250 dhalinyarada Afrikaan ah.

Haddaba sanadkaan Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya Faadumo Cabdi Cali oo ah ardayad waxka barata jaamacadaha City ee magaalada Muqdisho, isla markaan ka tirsan dhalinta firfircoon ee ku howlan soo nooleynta dowrkii dhalinyarada ee ka qeybgalka arrimaha siyaasada, horumarinta bulshada iyo xuquuqul insaanka.

Fardowsa M. Cilmi ayay khadka taleefanka ugu warantay iyada oo ku sugan dalka Itoobiya, marka horana waxay waydiisay wuxuu ku saabsanyahay shirkaasi.