Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda caruurta darbi jiifka Kenya

Waa xaalad aad u qalafsan in qofku ku noolaado gidaarada ama derbiyada isaga oo aan haysan cunno, hooy iyo daryeel caafiamad.

Waana xaalad ay wajahaan inta badan carruurta derbi jiifta ah ee magaalada Nairobi, oo intooda badan ka soo cararay saboolnimo ku habsatay qoysaskooda.

Carruurta ayaa ah kuwo bulshada dhexdeeda la iska illaaway, balse muddo afar sano haatan laga joogo ayaa gabar lagu magacaabo Mercy Njoki waxa ay billowday in ay quudiso carruurta derbi jiifta ah isla markaana qaarkood ay isku daydo in ay dib ugu biiriso qoysaskooda.

Weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle ayaa ka waramaya.