Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Weriye ku dhaawacmay qarixii Saxafi

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ay ku adag tahay suxufiyiintu inay ka shaqeeyaan marka laga hadlayo amaankooda, shalayna suxufigii shanaad ee sannadkan gudihiisa dhinta isagoo hawshiisa gudanaya ayaa ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Hotel saxafi.

Saxafigaas geeriyooday waxay wada socdeen Faysal Cumar xaashi oo ah sawir qaade ka hawlgala Muqdisho oo isaga qudhiisa uu dhaawac soo gaaray, wuxuuna uga warramay wariyaha BBCda ee Muqdisho Ibrahim Maxamed Adan wixii ay la kulmeen.