Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabay laga tiriyay khatarta ay leedahay kareemada ay haweenku isku cadeeyaan

Lahaanshaha sawirka

Kareemada la isku cadeeyo ayaa badi leh khatar weyn, waxaana la sheegaa in ay leeyihiin oo ay horseedaa dhibaatoyin caafimaad oo ay ka mid yihiin kansarka maqaarka iyo xanuuno kale oo badan.

Wadammada qaar sida Ivory Cost waa laga mamanuucay isticmaalka kareemada la isku cadeeyo.

Haddaba Soomaalidu sidee bay u arkaan daawooyinka laysku cadeeyo.

Abwaan Ibraahim Xirsi Hurre (Deerwaa), ayaa ka gabyay daawoyinkaasi laysku cadeeyo, waxa uu u warramay weriyaha BBCda, C/armxamaan Bidhaan, oo la kulmay kalana sheekeystay gabayga uu ka tiriyay umuurtaasi isagoo ugu horeyn weydiiyay waxa uu gabayga ku yimid.