Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadada laamiga ee Wajeer oo la furay

Magaalada Wajeer waxaa markii ugu horreysay tan iyo markii kenya ay xorriyadda ka qaadatay gumeytihii ingiriiska ay gaadidileyda magaaladaasi isticmaalayaan waddo laami ah.

Wadadan laamiga ah oo dheererkeedu yahay siddeed kilo mitir ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo Wajeer laga dhiso abid, waxaana maalgeliyay dowlad deegaanka wajeer.

Gobalatooraha Wajeer Axmed Cabdullahi ayaa BBC-da u sheegay in wadadani ay billow u tahay waddo dheerekeedu yahay 25 kilomitir oo isku wareeg ah oo ay ka dhisayaan degaankaasi.

Axmed Cabdullaahi waxa uu u waramay weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle.

Facebook

xusen cabdule oo joga south africa masuliyinta laxiray waxa lagu arkay musuq maasuq weyna ficn tahay qofkii musuq masuq wada in sharciga la horkeno keenyana waan sodhaweynaya.