Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa laga bartay shirkii deegaanka ee Hargeysa ka dhacay?

Magaalada Hargeysa waxaa lagu soo gebagabeeyay shir saddex maalmood uga socday todoba dal oo Geeska Afrika ah iyo khubaro caalami ah, shirkaasi oo ku saabsanaa ilaalinta deegaanka.

Haddaba maxaa laga faa'iiday shirkaasi? Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa doodan dhex dhigay shan qof oo ka kala yimid Jabuuti, Muqdisho iyo Hargeysa oo ka mid ahaa dadkii shirka ka soo qayb galay.