Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ku subaasan caruurta Soomaalida

Shir looga hadlayay ilaalinta xuquuqda caruurta oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Cadaaladda Soomaaliya iyo hay'adda caruurta ee UNICEF ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ahaa wadatashi ayaa ayaa looga hadlay sidii bulshadda loogu wacyigalin lahaa ilaalinta sharciga xaquuqda carruurta Soomaalida iyo tayeynta hay'adadaha cadalaadda ee dalka.

Xoghayaha Joogtadda ah ee Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Ismaciil Jimcaalle Calasow ayaa Fardowsa Maxamed Cilmi qadka telefaanka kula xiriirtay, waxa ayna ugu horeyn waydiisay waxa looga hadlayay shirkaan.