Faransiiska oo duqeeyay Daacish

Lahaanshaha sawirka EPA

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Faransiiska ayaa weeraray magaalada dalka Suuriya ku taalla ee Raqqa oo ay ku xooganyihiin kooxda la magac baxday Dawladda Islaamiga.

Duqaymahan ayaa imaanaya laba maalmood kadib weerarkii dhimashada badan keenay ee ka dhacay magaalada Paris Jimcihii.

Wasaaradda Difaaca ee Faransiiska ayaa sheegtay in diayaradaha ay garaaceen dhowr bartilmaameed oo ay ku jiraan saldhig ciidan, goob lagu kaydiyo hubka, iyo meel ciidamada daacish lagu tababaro.

Dhinaca kale, waxaa soo baxday in nin hadda si wayn loo baadigoobaya oo lala xariirinaya weerarada Paris ay booliiska joojiyeen gaari uu saaranaa dabadeedna ay sii daayeen saacado kadib.

Waxa uu kamid ahaa seddax qof oo walaalo ah oo ka qaybqaatay weerarkaasi.