Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

shirka cimilada oo gaalay maalinki labaad

Madaxda Caalamka oo maalintii labaad ku shirsan magaalada Paris, ayaa maanta kawada xaajoonaya qaabkii lagu gaari lahaa heshiis sharci ah, kaasoo wax looga qabanayo isbedalka cimilada.

Waxyaabaha ay ka doodi doonaan ayaa waxaa ka mid ah sidii dalalka warshadaha ku hormaray ay u dhimi lahaayeen qiiqa hawada wasakheeya.

Haddaba, si aan waxbadan uga ogaanno shirweynaha iyo waxyaabaha laga wadaxaajoonayo, ayaa waxaan ka wareysanay Maxamed Weli Xasan oo ah agaasimaha Horn Consult- oo ah hay'ad ka tallabixisa arrimaha deegaanka. Maxamuud Cali ayuu u warramay.