Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ruushka iyo Turkiga oo ku wadahadlay Serbiya

Xiriirka waddamada Ruushka iyo Turkiga ayaa sii xumaanayay tan iyo markii usbuucii tagay Turkiga uu soo riday diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalkaasi Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo khamiistii khudbad u jeediyay baarlamaanka dalkiisa ayaa wacad ku maray in Turkigu uu arrintaasi ka shalaayi doono.

Iyada oo uu murunkaasi jirana, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ruushku uu aad u ballaarinayo saldhig militari oo uu ku leeyahay Suuriya.

Khudbaddii madaxweyne Putin iyo waxa laga dheehan karay marka loo eego muranka u dhaxeeya Ruushka iyo Turkiga ayaan u bandhigay Ibraahim Faarax Bursalid oo ka faalooda arrimaha calamka.