Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

xaaladda gaalkacyo oo deggen

Xaaladda Magaalada Gaalakcyo ayaa daggen maanta, waxaana ka socda shirar xal loogu raadinayo dagaaladii dhawaan ka dhacay halkaasi, waxaana dadaalada nabbada horkacaya Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan xukuummadda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Madaxda Puntland iyo Galmudug ayaa saakay xaflad quraac ah loogu sameeyay konfurta Gaalkacyo iyadoo markii danbana si wadajir ah ay uga qadeeyeen Waqooyiga magaalada.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo wararka Gaalkacyo la socday ayaa warbixintan goordhawayd noo soo diray.