Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenyatta iyo Hailemariam oo kulmaya

Madaxweynaha Kenya iyo Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in ay daahfuraan qorshe ku saabsan nabadda xuduudda labada dal ee magaalooyinka mooyaale.

Ujeedada laga leeyahay qorshahan ayaa ah in wax looga qabto dambiyada xuduudaha ka talaaba.

Weerarro xuduudaha la isaga kala gudbay ayaa jiray kuwaas oo ay dad xoolo dhaqato ah ku lug lahaayeen.

Wariyaha BBC Bashkas Jugsoodhacay ayaa sawir guud ka bixinaya kulankaasi.