Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

sidee lagu gaari karaa hiigsiga 2016ka

Jabuuti iyo muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay shirar ku saabsanaa sidii Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd 2016ka, iyo awood qeybsiga iyo federaalka.

Waxa si aad ah looga hadlay in Somaliya laga qaban karo doorasho qofkastaa uu codkiisa ka dhiibto iyo sida baarlamaanka lagu soo xulanaayo.

Haddaba, shirarkaan isbarbar soconaya walina la isku mari la'ayahay nooca doorasho ee dalka ka dhicayso ayaana ka wareysanay Maxamed nur Caalin oo ka faaloodo arrimaha Soomaalia. Abdulahi Cabdirzakh ayuu u waramay.