Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xabbad joojin ka dhaqan gashay Beledweyne

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa maanta ka dhaqan gashay xabbadjoojin la kala dhex dhigay beelihii uu halkaa dagaalku ku dhex maray.

Xabbad joojinta ayaa waxaa labada dhinac ku qanciyey wafdi ka socday xukuumadda federaalka iyo maamulka Galmudug oo shalay halkaa gaaray, inkastoo dagaal saaka arroortii dhacay lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidanka dawladda oo ka mid ahaa ciidan la kala dhex dhigay beelihii dirirtu u dhaxaysay.

Goor dhoweyd ayaan haddaba xabbad joojintaas waxaan ka waraysanay wasiiru dawlaha madaxtooyada ee Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo u warramay Faarax Lamaane.