Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xallinta dhibaatada xaalufinta deegaanada Somaliland

Magaalada Hargeysa, waxaa dhawaan lagu soo gebagabeeyay kulan socday toddobaad oo ku saabsanaa ilaalinta deegaanka iyo cimilada, waxaana ka soo qayb galay gudoomiyaasha gobollada iyo ku dhowaad labaatan maayar ee degmooyinka Somaliland.

Kulankaasi waxaa soo qabanqaabisay hay'adda Somaliland ugu qaabilsan cilmi-baarista deegaanka iyo ka hor tagga aafooyinka dabiiciga ah.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa waxa uu dood u qabtay duqa degmada Baki ee gobolka Awdal Maxamed Axmed Caateeye, duqa degmada Duruqsi ee gobolka Togdheer Axmed Cabdillaahi Cabdi , iyo duqa degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag Cabdiraxiim Aw Yuusuf Axmed.

Waxa uuna ku hormaray gudoomiyaha Duruqsi oo uu waydiiyay sida uu yahay deegaanka?