Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dekadaha Jabuuti iyo sida ay u shaqeeyaan

Dhaqaalaha Jamhuriyadda Jabuuti ayaa ka soo reynayay 10-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Jabuuti ay dakhli badan ka helaysay wadammada shisheeye ee saldhigyada milateri ku leh dalka iyo dekedo cusub oo la furay, kuwaasi oo ay wadamo kale oo Itoobiya ka mid tahay ay isticmaalaan.

Weriyaha BBC C/risaaq Xaaji Catoosh oo dhawaan Jabuuti hawlo shaqo u tegey ayaa arrimahaas ka waraystay Abuubakar Cumar Xaddi oo ah guddoomiyaha dekedaha & goobaha canshuuraha ka caaggan ee Jabuuti, isagoo marka hore weydiiyey sida ay dekedahoodu u shaqeeyaan.