Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soo galootiga qaaradda Yurub 2015

Waa barnaamijka gaar ah oo ku saabsan dhibaatada iyo saameynta ay yeesheen dadka qaxootiga ahaa ee soo galay qaaradda Yurub sanadkan dhammaanaya ee 2015.

Marka la eego ururada uruuriya xogta dadka soo galootiga ah ee soo gala dalalka Yurub waxaa ugu weyn saddex - kuwaasi oo kala ah Hey'adda IOM ee caalamiga ah oo la socota socdaalka dadka - gaar ahaan waxay hayaan xogtii ugu dambeysay ee tirada dadka ka soo gudba badda Mediterranean toddobaad walba.

UNHCR oo ah hey'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay oo uruurisa xogta dalalka caalamka oo dhan bil walba.

Iyo Hey'adda Frontex ee qaabilsan xuduudaha dalalka Midowga Yurub oo Iyana la socota tirade dhammaan dadka ka soo gala soohdimaha.

Sida ay muujineyso xogta ugu dambeysay ee ee hey'adda IOM Dadka soo maray badda Mediterranean sanadkan laga soo bilaabo 1 bishii January ee yimid qaaradda Yurub waxay kor u dhaafeen 1,000,000 hal milyan oo qof.

Sanadka 2015 waxaa badda ku dhintay3,700

  • Talyaaniga waxaa yimid 147, 740
  • Giriigga waxaa yimid 757,278
  • Spain waxaa yimid ,3845
  • Qubrus 269
  • Malta 106

Dalalka ay qaxootigu ka kala yimaadeen sanadkan 2015 waxaa ka mid ah:

  • Eritrea 37,796
  • Nigeria 19,576
  • Somalia 11,020
  • Sudan 8,692
  • Syria 32,681
  • Gambia 6,759