Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saameynta cunaqabateynta Ruushka ee Turkiga

Dhaqaalaha Turkiga ayaa dhibaato ba'an kala kulmaya cuna-qabataynta Ruushka ee ka dhalatay tallaabadii uu Turkiga ku soo riday diyaarad dagaal oo Ruushka lahaa, meel u dhow xudduudda Turkiga la wadaago dalka colaadda la degtay ee Suuriya.

Ruushka ayaa xayiraado dhowr ah ku soo rogay Turkiga, xilli ay isku maan-dhaafsan yihiin colaadda Suuriya oo xudduud la leh Turkiga.

Inkastoo cuna-qabataynta Ruushka aan si weyn looga dareemin gudaha Turkiga, haddana waxaa uu Turkiga luminayaa dhaqaale dhan toban bilyan oo doolar oo uu ka heli jiray ganacsiga uu la lahaa Ruushka.

Khilaafkan ka hor, xiriir noocee ah ayaa u dhaxeeyay Turkiga iyo Ruushka, Ruushkuse muxuu ka faa'iidi jiray ganacsiga uu la lahaa Turkiga?

Su'aashaasi iyo kuwa kalaba waxaannu u bandhigay Cismaan Maxamuud Sugaal oo ku takhasusay dhaqaalaha, degganna dalka Turkiga, waxa uu u warramay Xasan Cali Geelle.