Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wariye ka badbaaday qaraxii maqaayadda Village

Qof isa soo miidaamiyay, ayaa shalay isku qarxiyay maqaayad ku taal magaalada Muqdisho.

Maqaayada oo lagu magacaabo Village, ayaa waxaa kulan ku lahaa saxafiyiin ka howlgala magaalada Muqdisho, oo isku diyaarinayay howl maalmeedkooda shaqo.

Xuseen Baari oo ah maamulaha websiteka SaxafiPress.com, ayaa ka mid ahaa wariyayaashii ku sugnaa maqaayadda.