Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad ku dhintay dagaal ka dhacay deegaan ku dhow Qardho

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay iska hor imaad qaab beeleed ku salaysan oo ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

Iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyey maleeshiyooyin ka amar qaata sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada Puntland oo la sheegay inuu macdan ka baaro deegaankaas iyo maleeshiyo beeleed deegaanka ka soo jeeda.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay magaalada Qardho joogeen Madaxweynaha Puntland iyo mas'uuliyiin la socotay oo saaka u amba baxaya Boosaaso oo lagu wado in dhawaan si rasmi ah looga furo garoon diyaaradeed oo caalami ah.

Arrintaas ayaan ka waraysanay Cabdiqaadir Axmed Kheyr (bashka) oo ah taliyaha qaybta Booliska ee gobolka gobolka Karkaar. Faarax Lamaane ayuu u warramay.