Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraabe: Adeeg dowladeed ma jiro

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo socdaal ku maraya deeggaanno ka tirsan Somaliland ayaa sheegay in dadka deegaannada qaar uu maray ay waayeen wax adeegyo dowladeed ah.

Odoyaasha degmada Xuddun oo ka mid ahaa dadka uu la kulmay ayaa cabasho weyn u muujiyay oo sheegay in ay dareensan yihiin in aanay ka mid ahayn Somaliland.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo wareystay ayaa weydiiyay marka hore socdaalkiisu waxa uu yahay.