Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abwaanka Cali Sugulle oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta Abwaan Cali Sugulle Dun-carbeed oo ka mid ahaa abwaanada ugu waaweyn fanka soomaliyeed, kaalin weynna ka soo qaatay halgankii xornimada ee gumeysigii Ingiriiska.

Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay taariikhda Cali sugulle ee xagga fanka Abwaan Saxardiid Maxamed Jebiye oo isaga laftiisu konton sano ka badan ku soo jiray fanka Cali sugulle-na ay soo wada shaqeeyeen.