Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhul militari oo la isku haysto Garissa

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Garissa ayaa waxa ay ka cabanayaan xeendaab ballaaran oo militariga Kenya ay ka sameysteen meel u dhow magaalada.

Xildhibaan Cabduqadir Adan (Cabdi K), ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi ay sharciga la tiigsan doonaan. Balse afhayeenka militariga Kenya David Obonyo, ayaa sheegay in dhulkaasi ay si sharci ah ku heleen.