Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Beel qaadacday egada laga siiyay shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe

Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo ay ka socota qaban qaabada shirka maamul goboleedka loogu dhisayo Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa qaban qaabiyayaashu ay soo soo jeediyeen qaabka beeluhu u qaybsanayaan ergooyinka.

Mid ka mid ah beelaha dega Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa ka digay in aysan aqbali doonin tiro loo soo bandhigay oo ah qaybtii ku soo aaday.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah xildhibaanka beesha cabashada soo jeedisay ayaa telefoonka Jowhar waxaa ku wareystay weriyaha BBCda, Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.