Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ardey ku guuleystay abaalmarinta tamarta mustaqbalka

Magaalada Hargeysa , waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay arday iyo macallimiin ka tirsan dugsiga caanka ah ee magaalada Sheekh oo ku soo guuleysteen oo ay galeen kaalinta koowaad tartanka sanadlaha ah ee "Shekh Zaid Future Energy Award " oo toddobaadkan lagu qabtay dalka imaaraadka carabta.

Tartankaasi oo ay ka qayb galeen ilaa kun iyo shan boqol oo dugsi oo qaaradaha caalamka ka kala socday, ayaa waxaa u gudgoomay dugsiga sheekh guushaasi Axmed Cabdiraxman oo ah arday dhigta fasalka kowaad ee dugsiga sare.

Weriyaha BBC ee hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa la hadlay macallimiinta , ardeygaasi yar , iyo hooyadii kaddibna warbixintan nooga soo diray .