Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhufeys muran badan ka dhaliyay Ciraaq

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa dalka Ciraaq ka jirtay furin cusub oo ay xooggaga Kurdiyiinta ee Peshmerga loo yaqaano isaga caabinayeen dagaallamayaasha kooxda dowladda Islaamiga.

Xooggaga Peshmerga ayaa qodaya dhufeys dhirirkiisa lagu sheegay 1000km si ay uga hortgaan gawaarida walxaha qarxa laga soo buuxiyay ee ay adeegsato kooxda dowladda Islaamiga.

Balse xukuumadda Baqdaad ayaa ka cabsi qabta in dhufeyska loo qodayo ujeedo kale oo ah in Kurdiyiinta ay kala gooyaan dalka.

Weriyaha BBC Axmed Mahir ayaa u safray magaalada Rabiica ee ku taalla Waqooyi Galbeed Ciraaq, warbixintan ayuuna inooga soo diray. Waxaa soo jeedinaya Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.