Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Oromo iska diiwaangelineysa Hargeysa

Boqolaal qof oo rag iyo dumar isugu jira, una badan qowmiyada Oromada ee Itoobiya ayaa ku dadaalaya sidii ay kaararka isdiiwaangelinta uga heli lahaayeen waaxda socdaalka ee magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay raaftay boqolaal qof oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo dib loogu celiyay dalkooda.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay xarunta wasaaradda dib u dejinta oo dadkaasi ay hor tubnaayeen warbixintan ayuuna nooga soo diray.