Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn: Shirka AU oo Burundi looga hadlayo

Magaalada Addis Ababa waxaa maanta ka furmaya shirmadaxeedka 26aad ee madaxda dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika.

Qodobbada hor yaalla waxaa ugu weyn arrinta Burundi oo weli aan go'aan laga gaarin in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalkaas.

Shir madaxeedka ayaa waxaa ka horreeyey shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku jira midowga Africa halkaa ku lahaayeen.

Haddaba Golaha amniga iyo nabadda ee midowga Afrika ayaa laga sugayaa inuu meel mariyo wixii ay isku raacaan madaxda Afrika.

Su'aasha haddaba meesha taalla ayaa ah suuragal ma tahay in madaxda Afrika isku raacaan in ciidamo loo diro Burundi?

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ka faalooda arrimaha caalamka ayaa arrintaasi uga warramay Axmed Xaaji Xasan, oo marka hore weydiiyay suuragalnimada in madaxweynaha Burundi uu ka qeybgalo shir madaxeedka Midowga Afrika ee hadda ka socda Addis Ababa.