Waa sidee noolasha barakacayaasha ku nool Dimishiq?
Lacag ka badan toban bilyan oo doolar ayaa loogu yaboohay dadka reer Suuriya ee ay ku habsatay colaadda sokeeye.
Yaboohaasi oo ka dhacay magaalada London oo ay isugu yimaadeen deeq bixiyeyaasha caalamka, ayaa waxa uu Ra'iisal Wasaaraha Britain David Cameron ka sheegay dhaqaalahaasi uu noqonaya kii ugu badnaa oo hal maalin ah lagu yabooho si wax looga qabto mashaakil bani'aadanimo.
Hoggaamiyeyaasha waddamada Urdun, Lubnaan iyo Turkiga ayaa dhammaantood ballanqaaday in dadka qaxootiga ah iyo carruurta ee ku sugan waddamadooda ay heli doonaan waxbarasho.
Haddaba mar haddii qaxootiga dibedda ku sugan ee Suuriya la doonayo in la caawiyo, waa sidee xaaladda kuwa ku sugan gudaha dalka gaar ahaan caasimada Dimishiq.
Weriyaha BBC-da Rami Ruhayem ayaa eegay nolasha barakacayaasha reer Suuriya ee ku nool caasimadda warbixintan ayuuna ka diyaariyay. Xasan Cali Geele ayaa soo jeedinaya.