Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Alshabaab oo la wareegay Marka

Wararka ka imanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ururka Alshabaab uu maanta la wareegay magaaladaasi ka dib markii ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay halkaasi ka baxeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in magaalada ay Shabaab galeen isla markaasina ay fariisimo ka samaysteen ayaga oo ka taagay calankooda

Sida aya wararku sheegayaan wax dagaal ah kama dhicin magaalada.

Mid ka mid ah dadka ku nool Marka ayaa BBC u sheegay in waxa uu arkay. Wuxuu u warramay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.