Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamadda sare: Xoghayaha NUSOJ waa Cumar Faaruuq

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go'aan ka gaartay muran muddo dheer soo taagnaa oo ku saabsanaa cidda masuulka ka ah Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Soomaaliya oo la isku heystay.

Kadib dacwad ay qaadday maxkamaddu oo u dhaxaysay NUSOJ iyo Wasaaradda warfaafinta waxay go'aan ku gaartay in Xoghayaha Guud ee NUSOJ inuu yahay Cumar Faaruuq Cismaan Isla markaana go'aanka 2011 lagu sheegay in xilka looga qaaday aanu waxba ka jirin.

Waxaa kale oo maxkamaddu go'aamisay in aanay waxba ka jirin oo si sharci ah aan loo dooran Maxamed Ibraahim Isaaq (Pakistan).

Haddaba si aanu wax uga ogaanno xukunka maxkamadda sare ayaan ka wareysanay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Dr Caydiid Cabdullaahi Ilko Xanaf oo aan weydiiyay waxay xukunka ku gaareen.