Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saameynta doorashada Uganda ku yeelanayso Soomaalida dalkaasi

Iyadoo lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinimada iyo baarlamaanka Uganda ayaa waxaa is weydiin leh maxaa ka khuseeya doorashada - dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Uganda.

Weriyaha BBC Farhan Mohamed Jimale oo ka soo warramaya doorashada ayaa magaalada Kampala wuxuu kula kulmay qaar ka mid ah Soomaalida deggan halkaasi oo uu dhexdhigay dood gaaban oo ah saameynta ay ku yeelan karto doorashadan.