Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ammaanka gegida dayuuradaha Cigaal ee Hargeysa oo aad loo adkeeyay

Gegida dayuuradaha caalamiga ee Cigaal ee magaalada Hargeysa waxaa beryahan danbe aad loo xoojiyay ammaanka iyo baadhitaanka rakaabka iyo shandadaha ay sitaan.

Rakaabka ayaa laga mamnuucay in waxyaabaha dareeraha ah ay diyaaradaha la fuulaan.

Weriyaha BBCda ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa shalay subaxii hore tegay gegida daiyaaradaha ee Cigaal, waxa uuna u kuurgalay xaaladda amaanka, isagoo la hadlay masuuliyiinta iyo rakaabkaba kadibna warbixintan ayuu inoo soo diray.