Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Gabadha agaasimaha ka ah Raadiyo Wajeer

Dumarka Soomaalida ayaa inta badan lagu tilmaamaa kuwa aan ka dhex muuqan shaqooyinka rasmiga ah, gaar ahaan kuwa dadaalka badan u baahan.

Balse sanadahan dambe waxaa la arkayay dumar badan oo waxbartay, isla markaana qabanaya shaqooyinka xirfadda u baahan.

Xaliima Kaahiye, waa agaasimaha idaacadda bulshada ee Wajeer, waxa ay shaqadeeda uga warrantay weriyaha BBC Suheyba Maxamed Badqas.