Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalinta afka hooyo: Waa sidee xaalka af Soomaaliga?

Waxaa maanta oo kale caalamka laga xusaa maalinta afka hooyo. Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa hoos u dhac uu yimid afka Soomaaliga, walow ay hadda jiraan dadaalo lagu xoojinayo.

Haddaba marxalad noocee ah ayuu hadda marayaa afka Soomaaliga? Waxaan arrimahaasi ka wareysanay Cabdirisaaq Ismaaciil Xaashi oo ka tirsan hay'adda cilmi baarista iyo dhaqanka ee Aw-Jaamac Cumar Ciise, Nairobi.

Waxa uu u warramay weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.